War Deg Deg ah: Warar sheegaya in Beri ay ciid tahay iyo Sacuudiga oo ufadhiya
07/08/2013 19:01
Warar aan la xaqiijin oo ay tabiyeen saxaafada Sacuudiga ayaa sheegaya in dalkaas laga arkay bisha Shawaal isla markaana ay beri tahay maalinta koobaad ee ciida
Hase ahaatee ma jirto war sugan oo kasoo baxay dowlada Sacuudiga, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan ay ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ah ee ah in beri la ciidayo iyo in kale.
Waxaa haatan uu kulan usoconayaa gudi ay Sacuudiga usaartay xaqiijinta aragtida bisha Shawaal, kualnakn ayaana lagu go’aamin doonaa in beri ay ciid tahay ama jimcaha ay ciida noqonayso.
Warbaahinta Sacuudiga ayaa intooda badan sheegaya in bisha la arkay oo ay beri ciid tahay, inkastoo go’aanka laga sugayo dowlada dalkaas iyo gudiga ay usaartay.